Tix Gabay: Hooyo Waa Lama Helaan
====================
Hooyadu waa lama helaan!
Harkii bay kacdaayoo
Ma hurudo habeenkii
Har iyo dharaar soo jeed uma kala sina
Dhinaceeda ma dhigto dhulkee
Dhaqso uma seexato o
Dhareerkay naga duwdaa
Hooyada waa lama helaan
Goortaan baahanoo bogeenu isku dhego
Ma geliso afkeeda cuntada iyo cabiddaanka
Caanaheey nagu duwdaa
Caloosheeda ma dharegtee
Cad yarey ku sabsabtaa nafteeda
Hooyada waa lama helaan,
Hadalkey na bartaa hooyadu
Hadaaqa iyo hawraarta qaar
Hamigeedu waa inaan helno xasilooni waarta
Hogaan wacan bay noo tahay
Waa baraariyaha bulshadoo idil
Hooyada waa lama helaan
Gudcur iyo maalin
Dhabteedaan ku hooyanaa
Dhulka na ma dhigtee
Dhib yar nooma quurto
Dhunkasho aan dhammaan
Dhoolacadeyn ku dheehan farxad
Hooyada waa lama helaan
Horumar kastoo la hamiyo
Hoy kastoo la dhisaayo
Halgan ummadi doonto
Hadaysan Hooyo ahayn
Lama gaareen hadafkeeda
Hooyada waa lama helaan
Hal baan oran lahaa barbaarta iyo bulshada
Haday hooyo nooshahay ku nagaaadi dunida
Howl baa ku saaranoo aan lahayn waqti go’an
Waa hadiyad rabbaani u baahan baxnaano
Saami aan go’aynoo laga halin dunidoo idil
Si kastood u nooshahay yaan lagaa badsan bariidadeedeed
Hooyada waa lama helaan
Hadaan sharafno hooyo
Hadiyad qurux badan iyo
Waxa yaala aduunkoo idil
Ma gudi karno hooyo abaalkeeda
Ha ahaado hamigeena hooyo darajadeeda
Hooyo , hooyadu waaa lama helaan
Waxaa tiriyay: Abdulkadir Abukar Sheikh
Dhaqdhaqaaqe Arimaha Caddaaladda Bulshada
08/03/2018
Sawirada:Google .