Waxaa taariikdha markay ahayd 24 sabti 2017 la gaarsiiyay cunto iyo dhar ciid ilaa iyo 100 qofood oo ay ka mid ahaayeen (70 caruur oo agoon oo laga soo xulay qeybaha kala duwan ee magaalada Baydhabo kuwaas oo daddooda u dhaxayso 7-10 jir). Waxaa kaloo kaalmadaas la gaarsiiyay ilaa iyo 30 qoys oo ka soo jeeda bulshada Eylo oo magaalada Baydhabo oo ayagana loo qeybiyeyey sadaqo cunto iyo fitrada isugu jira.
Deeqdaas waxaa soo dhiibay muxsiniin degan dalka Sweden iyo waar ka tirsan jaaaliyadda KGS ee Sweden. Arintaas oo ay Dalladda KGS ee Sweden uga mahadcelinayso dhammaan dadka suurto geliyay sadaqadaan qiimaha badan iyo dhammaan intii ka qeyb weyn ka qaadaday howshaan.
Waxaa kaloo deeqdaas qeybinteeda ka qeyb qaatay, sida diyaarinta iyo xullidda dadka la gaarsiiyay, Hay’adda Tawaafiq Foundation ee Magaalada Bayhabo.
Mahadsanidiin.
OBS: Cillad dhinaca internetka darteed ayaa warbixinta ay soo daahday. Waxaana sugeynaa warbixo dheeraad ah, oo aan idin soo gudbin doono.
Dalladda KGS Sweden
Sydvästsomaliska Riksförbundet I Sverige
27 Juun 2017