Dalladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Sweden
Sydvästsomaliska Riksförbundet i Sverige (SRS)
Go’aamadii ka soo baxay shir sanadeedkii Dalladda KGS Sweden ee ka dhacay Magaalada Stockholm taarikhda markay aheyd Sabtidii 19 December 2015.
Ugu horeyntii Shirka waxaa lagu furay aayadaha Quraanka Kariinka ah, kadibna shirka waxaa lagu hor akhriyay howlihii lasoo qabtay sanadkii 2015, xisaabka Dalladda ee sanadka iyo caqabadaha jira sidii looga bixi lahaa. Waxaa kaloo laga hadlay muhiimadda iyo qaabkii loo gaari lahaa hadafka Dalladda KG Somalia ee Sweden.
Shirka waxaa lagu doortay Maamulka Dallada KG Soomaaliya ee Sweden sanadka 2016. Xubnaha Maamulka Dhexe ee Dallada KG Somaliya Swedeb waa sida hoos ku qoran.
Abdulkadir Abukar Sheikh, Gudomlige
Jamiila Sheikh Mohamed, G/Kuxigeenka
Abukar Hussen, Xoghayaha Dalladda
Asad Abdullahi, Xisabiyaha Dalade
Zahra Mohamed Nuur, Xubin Gudiga dhexe ee Dallada
Cukaas Suubow, Xubin Gudiga Dhexe ee Dalladda
Musftafa Ahmed, Xubin Gudiga Dhexe ee Dalladda
Nadiifo Aden Osman, Xubi Gudiga Dhexe ee Dallada
Abdullahi Roble, Xubin Gudiga Dhexe ee Dallada
3. Shirka waxaa kaloo isku raacay in hantidhowrka Dalladda dib loogu doortay Asia Ibrahim Mursal.
Gudiga Dhexe ee Dallada KG Sweden waxaa kale oo uu isku raacay in Abdulkadir Mohamed (Cheif Sagaarey) in qabto howsha Afhayeenka Dalladda KGS Sweden ee 2016.
Shirka waxaa la isla gartay in la dhiso labo gudi oo kala ah.
Gudiga Xaaladdaha Degdega iyo in lafuro xisaab u gaar ah xaaladdaha deg degga ah. Gudigan oo ka kooban shan xubnood waxa ay tahay shaqadooda in ay diyaariyaan barnaamij guuud oo wax looga qabto arimaha xaaladaha deg-degga ee baniaadanimada qeybta ay ka qaadan karto Dalladda KG Somaliya ee Sweden.
Gudiga Xallinta Khilaafaadka iyo Dhaqanka. Gudigaan oo ka koobnaan doono ilaa iyo sagaar xubnood, waxaa ay howshooda noqon doontaa xallinta Khilaafaadka iyo dhaqanka.
Shirka waxaa la isla gartay in la caawiyo caruurtii agoontii ay ka tagtay Allah U naxriisto Ex-wariye Hindiya Haji Mohamed oo bilowgii bishii December lagu dilay qarax ka dhacay Muqdishu.
Waxaa kaloo shirka uu soo jeediyay aragtidiisa la xiriira qaabka ay Dallada KGS ee Sweden ay u arkto in lagu dhiso dowladda xigta ee Jamhuriyadda Federaka Soomaaliya ee 2016. Dallada KGS ee Sweden waxaa ay u aragtaa xalka Soomaalida ama sida ugu dhow ee cadaaladda lagu helo karo in lagu dhiso dowladda qaabka 4.5 ama la tixgeliyo tirakoobka saxda ah ee dadka Soomaaliya. Dalladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Sweden waxaa kale oo ay aaminsantahay in ka dib marka la helo ama laga sameeyo dalka Soomaaliya jawi nabadeed kaas oo saamixi karo iin la sameeyo tira koobka saxda ah ee dadka, in la qabto doorasho qof iyo hal cod ah. Arintaas oo u baahan dadaal dheeraad iyo hogaamin daacad ah sidii loo gaari lahaa arintaas. Dalladda KGS ee Sweden waxa ay aaminsanyahay in dadka ka soo jeeda KGS ay tiro haan ay gaarayaaan in ka badaan 40% tirakoobka dadka Soomaalida. Tan kale, Dalladda waxa ay ka xunyahay in shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo dega gobolo badan oo ka tirsan dalka Soomaliya ay inta badan ku jiraan weli dhibaatooyin kala duwan oo ka m id ah sida nabadgalyada, waxbarashada, caafimaadka, cadaalada, horumarka iyo maamulka kuwaas o u baahan in wax laga qabto.
Shirka waxa uu ku guubaabinayaa dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanada, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ka soo jeeda KGS in ay ku midoobaan sidii ummadooda ay ugu samatabixn lahaayeen dhibaatooyinka dhinac kasto leh ee ku habsaday, taas oo looga bixi karo, midnimo ,caddaalad, iyo islaxisaabtan dhab iyo in danta danta guud laga hor tan gaarka ah.
Shirka waxa uu ku dhamaaday Guul.
Abukar Hussen
Xoghaya Dalladda KGS Sweden
e-post: sydvast.somaliska@outlook.com