Waxaan halkaan hambalyada munaasabada Ciidul Adha oo ku beegan maalinta berito 24 Sept. 2015, u dirayaa dhammaan xubnaha ka tirsan Dalladda Koonfur Galbeed Somalia ee Sweden iyo qoysaskooda. Waxaana Alla ugua baryayayaa inay ku ciidaan nabad , caafimaad iyo barwaaqo. Waxaana Allah ka baryeynaa in fadliga Ciida Aladha in waddankeena Somaliaya uu Alla nooga dhigo mid nabad ah, ummaddana qalbigooda in Alla uu isku dumo.
Tan kale, waxaa ku boorinyaa in laga shaqeeyo midnimada, maslaxadda dhammaan ummadda koonfur galbeed Somaliya, qof kastana uu meesha uu jooga uu ku dadaalo in dadka masaakiinta ee ku dhibaateysan gudaha dalkeena Somaliya, gaar ahaan koonfur galbeed, in markasto wax loo qabto lagana warqabo.
Gudiyada Jaaliyaddaha KGS waxaan u soo jeedinayaa in ay ka shaqeeyaan sidii ay u habeen lahaayeen maamulka jaaliyaddaha Koonfur Galbeed Somaliya, dhinaca aqoonta iyo tayadaba. Maamulka Dalladda wuxuu ku dadaalayaa inuu ka caawiyo jaaliyadaha dhinaca tababarada maamulka jaaliyadaha. Taas oo noqon doonto mid joogto ah, isla markaasna aan kordhin doono dhinaca aqoon isweydaarsiga jaaliyadaha dhexdeeda iyo kuwo kaleba.
Waxaa kaloo muhiim ah in ay Jaaliyadaha kordhiyaan waxqabadkooda, kuna dadaalaan sidii ay markasto si firficoni ah ugu qeybqaadan lahaayeen howlaha iyo barnaamijyada jaaliyadaha. Qof kasto waxaa muhiim ah, inuu noqdo qof wax qabanayo oo uusan noqon qof meel iska fadhiyo oo war uun meel kale ka sugayo. Qof kasto aqoontiisa iyo waayo aragnimidisa waa muhiiim, waxaana looga baahan yahay in uu u faaideeyo bulshada.
Tan ugu dambeysa, waxaan idiinkula dardaarmayaa adkeynta midnimada dhexdeena iyo iska warqabka.
Mar labaad waxaan idin leeyahay CIID MUBAARAK.
Abdulkadir Abukar Sheikh
Gudoomiyaha Dalladda KGS Sweden
Sydvästsomaliska Riksförbundet
E-post: sydvast.somaliska@outlook.com