Kullan ay yeeshen xubnaha Dalladda KG Sweden 02 July 2015, ayaa waxaa lagu go’aansaday in la iska kaashado uririnta Zakaatul Fitriga, kaas oo la bixiyo ka hor Salaadda Ciidul Fitirga ee dadka mulimiinta oo ay ku waajibtay bixinta Zakatul Fitriga.
Haddaba waxaa la ogeysiinayaa dhammaan xubnaha ka tirsan Dalladda KG Sweden iyo muslimiinta kale ee doonaya inay gaarsiiyaan Zakaatul Fitriga walaalahooda baahan , ee bishan barakeysan ee Ramaddan inay ku soo diri karaan Zakaatul Fidriga koontada Dalldadda ee hoos ku qoran.
Waxaana Dallada ay balan qaadeysaa in la gaarsiin doono dadka mudan ee masaakinta ah ee ku sugan gudaha dalka Somaliya. Qofkii waxaa loo qoodeeyay inuu iska bixin karo lacag dhan 80Kr. lacagta Swedishka.
Koontada Dalldadda KG Sweden.
Magaca Koontada: Sydvästsomaliska
Koontada Number: 8299-0, 924-973-052-5.
Waxaad ku soo qortaa lacagta magacaaga iyo xarfaha ZF (oo u dhiganta Zakaatul Fitiri)
Wixii faahfaahin ah kala xiriir horjoogaayaasha Jaaliyadaha KG ee Magaalooyinka Stockholm, Gävle, Hälleförs, Örebro iyo Borås.
E-Mail. sydvast.somaliska@outlook.com
Gudiga Dhexe ee Dallada KG Sweden – Styrelse Sydvästsomaliska Riksförbundet
02 July 2015