GO’AAMADII KA SOO BAXAY SHIRKII MIDENTA JAALIYADAHA KOONFUR GALBEED SOMALIA EE DANMARK, JARMALKA IYO SWEDEN
================================================================================
Taariikhda: 13 June 2015 Brønderslev, Danmark.
Maalintii Sabtida 13 June 2015, waxaa shir isugu yimid gudiyada fulinta ee Dalladdaha/Jaaliyaddaha Koonfur galbeed Somalia ee Wadamada Danmark, Jarmalka iyo Sweden uu ka dhacay Magaalada Brønderslev ee Waddanka Danmark. Shirkaas waxaa u ahaa shir si weyn loo soo agaasimay looguna lafaguray arimha dhinaca samafalka iyo bulshada ee dadyowga koonfur galbeed ee Soomaliya.
Waxyabihii ugu muhiimsanaa ee shirka looga dooday waxaa ka mid ahaa.
1. Sidii loo midenynlahaa Jaaliyadda KGS ee ka dhisan wadammada Danmark, Jarmalka iyo Sweden.
2. Qaabka dhaqaale ururinta ee Jaaliyadaha KGS ee waddamadaas kor ku xusan iyo sidii loogu qeybqaadan lahaa howlaha bani`aadanimada ee Koonfur Galbeed Somalia.
3. Dhibaatooyinka haysta guud ahaan warbaahinta Koonfur Galbeed iyo horumarinta Afka Maayga.
4. Qaabka wadashaqeynta Jaaliyadaha iyo Maamulada dalka ka jira.
Dood dheer iyo talo soo jeedin ay si firfircoon uga qeybqaateen dhammaan ka soo qeybgalayaasha shirka , waxaa shirka ka soobaxay go`aamada hoos ku qoran.
1. Waxaa si buuxda la isku raacay in la mideeyo islamarkaasna ay yeeshaan wadashaqeyn iyo midow Jaaliyadaha Koonfur Galbeed ee waddamada Danmark, Jarmalka iyo Sweden.
2. Waxaa la isku raacay in seddexda jaaliyadadood iney si waddajir ah uga wada shaqeeyan dhinacyada samafalka, sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta Afka Maayga.
3. In xilka Gudumoomiyenimada Midowga Jaaliyadaha koonfur galbeed Denmark, Sweden iyo Germany laga dhigo mid wareegto ah, oo sannad walba midkood uu xilka gudoomiyenimadda qabto, muddo sanad ah.
4. Waxaa shirka leysku raacay in sanadka 1aad xilka gudoomiyenimo uu qabto Mr. Isaaq Madey oo ka socda jaaliyada Danmark. Waxaana kuxigeen noqon doona gudomiyaha Dalladda KG ee Sweden Mudane Abdulkadir Abukar Sheikh. Wuxuu ka bilaabandoonaa mudadan 13/06/2015- 12/06/2016.
5. Kalfadhiga 2aad waxaa leys wargelin doonaa mudo 3bil ka hor iyo goobgta lagu qabandoono iwm.
6. Shirka waxa uu si buuxda u taageray go’aankii Baarlamaanka Federalka Somaliya uu ku diidey Baarlamaan ku sheega Jubba, kaas oo markii horeba lagu soo dhisay si ka baxsan caddaaladda, iyo xaqiiqda ka jirta deegaanada koonfur galbeed ee Somaliya.
Shirka waxa uu ku dhammaday jawi aad u wanaangsan iyo Guul.
Isaaq Madey
Gudoomiyaha Midowga Jaaliyadaha KG ee Danmark, Jarmalka iyo Sweden