Taariikhda: 13 June 2015 Brønderslev, Danmark.
Maalintii Sabtida 13 June 2015, waxaa shir isuguyimid gudiyada fulinta Ee Dalladdaha/Jaaliyaddaha Koonfur galbeed Soomaaliya ee Wadamada Danmark, Jarmalka iyo Sweden uu ka dhacay Magaalada Brønderslev eeWaddanka Danmark. Shirkaas waxaa u ahaa shir si weynloosoo agaasimay Looguna lafaguray arimaha dhinaca samafalka iyo bulshada ee dadyowga koonfur galbeed ee Soomaliya.
Waxyabihii ugu muhiinsanaa ee shir kalooga dooday waxaa ka mid ahaa.
1. Sidii loomidenyn laahaa Jaaliyadda KGS ee ka dhisan wadammada Danmark, Jarmalka iyo Sweden.
2. Qaabka dhaqaale ururinta ee Jaaliyadaha KGS ee waddamadaas kor
kuxusan iyo sidii looguqeybqaadanlahaa howlaha bani`aadanimada ee Koonfur Galbeed Somalia.
3 Dhibaatooyinka haysta guudahaan warbaahinta KoonfurGalbeed Soomaaliya iyo horumarinta AfkaMaayga
4. Qaabkawadashaqeynta Jaaliyadaha iyo Maamulada dalka ka jira.
Dooddheer iyo talo soojeedin ay si firfircoon uga qeyb qaateen dhammaan ka sooqeyb galayaasha shirka ,waxaa shirka ka soobaxay go`aamada hoos ku qoran.
1. Waxaa si buuxda la iskuraacay in la mideeyo islamarkaasna ay yeeshaan wadashaqeyn iyo midow Jaaliyadaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee waddamada Danmark, Jarmalka iyo Sweden.
2. Waxaa la iskuraacay in seddexda jaaliyadadood iney si waddajir ah ugawadashaqeeyan dhinacyada samafalka, sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta AfkaMaayga.
3. In xilka Gudumoomiyenimada Midowga Jaaliyadaha koonfur galbeed Denmark, Sweden iyo Germany laga dhigo midwareegto ah, oo sannad walbamid kood uu xilka gudoomiyenimadda qabto, muddo sanad ah.
4. Waxaa shirka leyskuraacay in sanadka 1aad xilka gudoomiye nimo uu qabto Mr. Isaaq Madeyoo ka socda jaaliyada Danmark. Waxaana kuxigeen noqondoona gudomiyaha Dalladda KGS ee Sweden Mudane Abdulkadir Abukar Sheikh.Wuxuu ka bilaaban doona 13/06/2015- 12/06/2016.
5. Kalfadhiga 2aad waxaa leys wargelin doonaa mudo 3bil ka hor iyo goobgta lagu qaban doono iwm.
6. Shirka waxauu sibuuxda u taageray go’aankii Baarlamaanka Federalka Somaliya uu kudiidey Baarlamaan ku sheega Jubba, kaas oo markiihoreba lagu soo dhisay si ka baxsan caddaaladda, iyo xaqiiqda ka jirta deegaanada koonfur galbeed ee Somaliya.
Shirka waxa uu ku dhammaday jawi aad u wanaangsan iyo Guul. Isaaq Madey
Gudoomiyaha Midowga Jaaliyadaha KGS ee Danmark, Jarmalkaiyo Sweden,
Warbahinta kgs xafiis wareedkeda Brønderslev, Danmark.