Hooyo Waa Lama Helaan

 

Tix Gabay:  Hooyo Waa Lama Helaan

====================

Hooyadu waa lama helaan! 

Harkii bay kacdaayoo

Ma hurudo habeenkii 

Har iyo dharaar soo jeed uma kala sina

Dhinaceeda ma dhigto dhulkee

Dhaqso uma seexato   o 

Dhareerkay naga duwdaa

Hooyada waa lama helaan

Goortaan baahanoo bogeenu isku dhego

Ma geliso afkeeda cuntada iyo cabiddaanka

Caanaheey nagu duwdaa

Caloosheeda ma dharegtee

Cad yarey ku sabsabtaa nafteeda

Hooyada waa lama helaan,

Hadalkey na bartaa hooyadu

Hadaaqa iyo hawraarta qaar

Hamigeedu waa inaan helno  xasilooni waarta

Hogaan wacan bay noo tahay

Waa baraariyaha bulshadoo idil

Hooyada waa lama helaan 

Gudcur iyo maalin 

Dhabteedaan ku hooyanaa

Dhulka na ma dhigtee

Dhib yar nooma quurto

Dhunkasho aan dhammaan  

Dhoolacadeyn ku dheehan farxad 

Hooyada waa lama helaan 

Horumar kastoo la hamiyo

Hoy kastoo la dhisaayo

Halgan ummadi doonto

Hadaysan Hooyo ahayn

Lama gaareen hadafkeeda

Hooyada  waa lama helaan 

Hal baan oran lahaa barbaarta iyo bulshada 

Haday hooyo nooshahay ku nagaaadi dunida 

Howl baa ku saaranoo aan lahayn waqti go’an 

Waa hadiyad  rabbaani u baahan baxnaano

Saami aan go’aynoo laga halin dunidoo idil

Si kastood u nooshahay yaan lagaa badsan bariidadeedeed

Hooyada waa lama helaan

Hadaan sharafno hooyo

Hadiyad qurux badan iyo

Waxa yaala aduunkoo idil

Ma gudi karno hooyo abaalkeeda

Ha ahaado hamigeena hooyo darajadeeda

Hooyo , hooyadu waaa  lama helaan 

Waxaa tiriyay: Abdulkadir Abukar Sheikh

Dhaqdhaqaaqe Arimaha Caddaaladda Bulshada

08/03/2018

Sawirada:Google .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *