Go’aanadii Ka Soo Baxay Shirkii Dalallada KGS ee 2016 – Göteborg

1020 0

Go’aanadii Ka Soo Baxay Shir Sanadeedka  2016 ee Dalladda Koonfur Galbeed Sweden  ee Magaalada Göteborg, Sweden. 

Shir sanadeedka dalladda KGS sweden waxaa ka qeybqaatay sanadkaan 2016 jaaliyadaha KGS ee degen wadanka Sweden, gaar ahaan, magaalooyinka Göteborg, Borås, Falköping, Stockholm, Eskilstuna/Västrås,  Örebro, iyo Jaaliyadaha Hällaförs iyo Gävle oo ay soo gudbiyeen taageerada Shirka. Shirka waxa uu dhacay maalintii sabtida 03 december 2016.
Shir Sanadeedka Dalladda KGS ee Sweden waxaa looga hadlay waxqabadkii Dalladda KGS Sweden ee sanadkii 2016, oo ay ka mid ahaayeen:

Sahanka waxbarasahda gabdhaha oo laga qabtay magaalada Baydhawo , taakuleentii agoonta Baidoa, takuleenta bukaanada Cisbitaalka Baydhabo iyo taakuleenta xarunta dadka miyirka dhiman ee Xarunta Miyirka Baydhabo.

Waxaa kallo laga wada hadlay qorshayaalka sanadka 2017, waxaana la isku raacay in lagaarsiiyo taakuleenta dalladda gobolada kale ama dagaaanada dada ka soo jeeeda KGS .

Waxaa kaloo shirka looga hadlay, sidii wax logo qaban lahaa, dhinacyada dhaqanka, gaar ahman dhinaca luqadda Maayga, gaar ahaan, dadka ku halal maayga ee waddanka ku cusb ee u baahan inay helaan turbaano ku halo luqadda Maayga, side arintaas wax logo qabanlahaaa.  Waxaa shirka laga soo jeedeyay in la siiwado dadaalada dhinaca TV oo ay wadaan dhalinayarada Arlaadi Forum iyo sidii loogu qeybqaadan lahaa.

Shirka waxaa lagu doortay gudiga cusub ee dalladda KGS Sweden ee Sanadka 2017, oo kala ah, sida hoos ku qoran:

  1. Abdulkadir Abukar Sheikh,  Gudoomiyaha Dalladda KGS
  2. Naciima Isack,  Gudoomiye Ku xigeenka
  3. Eng Ahmed Qoryooye, Xoghayaha Guud ee Dalladda
  4. Mohamed Mukhtar, Xisaabiyaha Dalladdda
  5. Mustaf Ahmed, Hantidhowka guud
  6. Abdullahi Wasiir, Xubin
  7. Jamiilo Sheikh Mohmed Hargeisa, Xubin
  8. Bahjo Abdi Ali, Hubin
  9. Mohamed Ahmed Abdisalam,  Xubin
  10. Leyla Mohameed Ahed, Xubin

Waxaa kaloo shirka lagu dhisay, gudi shuuro/marjac, oo la shaqeeya gudiga dhexe ee Dalladadda. Waxaana ka mid ah:

  1. Haji Sid , Borås
  2. Macallim Abdi, Falköping
  3. Abdulkadir Hussein Kadiil, Örebro
  4. Zahra Mohamed Nuur , Örebro
  5. Sheikh Ibrahim Aden, Göteborg
  6. Mohamed Yusuf,  Gävle
  7. Abdalla Afrah, Stockhom

Shirka waxaa kaloro lagu dhisay gudiga horumarinta Warbaahinta iyo Dhaqanka KGS.   Waxaana ka mid ah;

1. Abdulkadir Mohamed Chief Sagaarey

2. Abdulaziz Mohamed Ahmed (Dhagacade)

3. Aden Hassan, Laftagaraaan

4. Bahja Abdi Ali

5. Cukas Sugow

6. Abdullahi Esse

7. Mohamed Abukar

Shirka  Waxaa kale oo uu Gudoonsiiyaya Shahaado Sharfyo,  wabaahino iyo hay,ado ka soo jeede KGS oo loo arkay in ay wax wanaagsan  qabteen.

  1. Warbaahinta wadanindws24.com
  2. Warbaahinta Radio Warsan ee Baydhabo
  3. Warbaahinta  Baidoamedia.com
  4. iyo  Idiris Abdi Takhtar , G/Kuxigeenka  Golaha Badbadada KGS.

Shirka waxa uu ku dhamaaday jawi wanaagsan iyo isafgarad.   Shirka kan xigana waxaa la balanqaday in lagu qaban doono magaalada Borås.

email.  sydvast.somaliska@outlook.com

Mahadsanidiin

Gudiga Qabanqaadada ee Shirka Dalladda KGS Sweden

thumb_img_0160_1024 thumb_img_0213_1024 thumb_img_0206_1024 thumb_img_0200_1024 thumb_img_0199_1024 thumb_img_0178_1024 thumb_img_0164_1024img_0087 thumb_img_0158_10241298maxresdefaultsrshi20161

img_0197 img_0094

 

Related Post

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *