Ururinta Zakaatul Fitriga

1104 0

Kullan ay yeeshen xubnaha Dalladda KG Sweden 02 July 2015,  ayaa waxaa  lagu go’aansaday in la  iska kaashado uririnta Zakaatul Fitriga, kaas oo  la bixiyo ka hor Salaadda Ciidul Fitirga ee dadka  mulimiinta oo ay ku waajibtay bixinta Zakatul Fitriga.

Haddaba waxaa la ogeysiinayaa dhammaan xubnaha ka tirsan Dalladda KG Sweden iyo muslimiinta kale ee doonaya inay gaarsiiyaan Zakaatul Fitriga walaalahooda baahan , ee bishan barakeysan ee Ramaddan inay ku soo diri karaan Zakaatul Fidriga koontada Dalldadda ee hoos ku qoran.

Waxaana Dallada ay balan qaadeysaa in la gaarsiin doono dadka mudan ee masaakinta ah ee ku sugan gudaha  dalka Somaliya.  Qofkii waxaa loo qoodeeyay inuu iska bixin karo lacag dhan 80Kr. lacagta  Swedishka.

 

Koontada Dalldadda KG Sweden.
Magaca Koontada:   Sydvästsomaliska

Koontada Number:  8299-0, 924-973-052-5.

Waxaad ku soo qortaa lacagta magacaaga iyo xarfaha ZF (oo u dhiganta Zakaatul Fitiri)

Wixii faahfaahin ah kala xiriir horjoogaayaasha Jaaliyadaha KG ee Magaalooyinka Stockholm, Gävle, Hälleförs, Örebro iyo Borås.

E-Mail.  sydvast.somaliska@outlook.com

Gudiga Dhexe ee Dallada KG  Sweden –  Styrelse Sydvästsomaliska Riksförbundet

02 July 2015

fitrah-1

Related Post

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *