QODOBADII KA SOO BAXAY SHIRKII DANMARK EE JAALIYADAHA KGS

1050 0
GO’AAMADII KA SOO BAXAY SHIRKII MIDENTA JAALIYADAHA KOONFUR GALBEED SOMALIA EE DANMARK, JARMALKA IYO SWEDEN
================================================================================
Taariikhda: 13 June 2015 Brønderslev,  Danmark.
Maalintii Sabtida 13 June 2015, waxaa shir isugu yimid gudiyada fulinta ee Dalladdaha/Jaaliyaddaha Koonfur galbeed  Somalia ee Wadamada  Danmark, Jarmalka iyo Sweden uu ka dhacay Magaalada  Brønderslev  ee Waddanka Danmark. Shirkaas waxaa u ahaa shir si weyn  loo soo agaasimay  looguna lafaguray arimha dhinaca  samafalka iyo bulshada ee dadyowga  koonfur galbeed ee Soomaliya.
Waxyabihii ugu muhiimsanaa ee shirka looga dooday waxaa ka mid ahaa.
1. Sidii loo midenynlahaa Jaaliyadda KGS ee ka dhisan wadammada Danmark, Jarmalka iyo Sweden.
2. Qaabka dhaqaale ururinta ee Jaaliyadaha KGS ee  waddamadaas kor ku xusan iyo sidii loogu qeybqaadan lahaa howlaha bani`aadanimada ee Koonfur Galbeed Somalia.
3. Dhibaatooyinka haysta guud ahaan warbaahinta  Koonfur Galbeed iyo horumarinta Afka Maayga.
4. Qaabka wadashaqeynta Jaaliyadaha iyo Maamulada dalka ka jira.
Dood dheer iyo talo soo jeedin ay si firfircoon uga qeybqaateen dhammaan ka soo qeybgalayaasha shirka , waxaa shirka ka soobaxay go`aamada hoos ku qoran.
1. Waxaa si buuxda la isku raacay in la mideeyo islamarkaasna ay yeeshaan wadashaqeyn iyo midow Jaaliyadaha  Koonfur Galbeed ee waddamada  Danmark, Jarmalka iyo Sweden.
2. Waxaa la isku raacay in seddexda jaaliyadadood iney si waddajir ah uga wada shaqeeyan dhinacyada samafalka, sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta Afka Maayga.
3. In xilka Gudumoomiyenimada Midowga Jaaliyadaha koonfur galbeed Denmark, Sweden iyo Germany laga dhigo  mid wareegto ah, oo sannad walba  midkood uu xilka gudoomiyenimadda qabto, muddo sanad ah.
4. Waxaa shirka leysku raacay in sanadka 1aad xilka gudoomiyenimo uu qabto Mr. Isaaq Madey oo ka socda jaaliyada Danmark.  Waxaana kuxigeen noqon doona gudomiyaha Dalladda  KG ee Sweden  Mudane Abdulkadir Abukar Sheikh.   Wuxuu ka bilaabandoonaa mudadan 13/06/2015- 12/06/2016.
5. Kalfadhiga 2aad waxaa leys wargelin doonaa mudo 3bil ka hor iyo goobgta lagu qabandoono iwm.
6. Shirka waxa uu  si buuxda u taageray go’aankii Baarlamaanka Federalka Somaliya uu ku diidey Baarlamaan ku sheega Jubba, kaas   oo markii horeba lagu  soo dhisay si ka baxsan caddaaladda,  iyo xaqiiqda ka jirta deegaanada koonfur galbeed ee Somaliya.
Shirka waxa uu ku dhammaday jawi aad u wanaangsan iyo Guul.
Isaaq Madey
Gudoomiyaha Midowga Jaaliyadaha KG ee Danmark, Jarmalka iyo Sweden
IMG_1324 IMG_0455 IMG_1353 IMG_1350 Shirkii Danmark
 IMG_1349 Shirkii Danmark ee Koonfur Galbeed IMG_1350 IMG_1293 IMG_1341

 

Related Post

Flicka Utbildning

Posted by - May 19, 2015 0
Enligt UNICEF Somalia, i sin webbsidan skriver ” Utbildningstjänster i Somalia tillhandahålls av en mängd olika aktörer, däribland Community Utbildning…

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *