GO’AAMADII KA SOO BAXAY SHIRKII MIDENTA JAALIYADAHA KOONFUR GALBEED EE DANMARK, JARMALKA IYO SWEDEN

956 0

Taariikhda: 13 June 2015               Brønderslev, Danmark.

Maalintii  Sabtida 13 June 2015, waxaa  shir isuguyimid gudiyada fulinta Ee Dalladdaha/Jaaliyaddaha Koonfur galbeed Soomaaliya ee Wadamada Danmark, Jarmalka iyo Sweden  uu ka dhacay Magaalada Brønderslev eeWaddanka Danmark. Shirkaas  waxaa u ahaa  shir si weynloosoo agaasimay Looguna lafaguray arimaha dhinaca samafalka iyo bulshada ee dadyowga koonfur galbeed ee Soomaliya.
Waxyabihii ugu muhiinsanaa ee shir  kalooga  dooday waxaa ka mid ahaa.
1. Sidii loomidenyn laahaa  Jaaliyadda KGS ee ka dhisan  wadammada Danmark, Jarmalka iyo Sweden.
2. Qaabka dhaqaale ururinta  ee Jaaliyadaha KGS ee waddamadaas kor

kuxusan iyo sidii  looguqeybqaadanlahaa  howlaha bani`aadanimada ee Koonfur Galbeed Somalia.

3 Dhibaatooyinka haysta guudahaan warbaahinta KoonfurGalbeed Soomaaliya iyo horumarinta  AfkaMaayga

4. Qaabkawadashaqeynta  Jaaliyadaha  iyo  Maamulada  dalka ka jira.
Dooddheer iyo talo soojeedin  ay si firfircoon  uga  qeyb  qaateen    dhammaan ka sooqeyb galayaasha  shirka ,waxaa shirka ka soobaxay  go`aamada  hoos  ku qoran.
1. Waxaa si buuxda la iskuraacay in la mideeyo islamarkaasna ay yeeshaan wadashaqeyn iyo midow Jaaliyadaha  Koonfur  Galbeed  Soomaaliya ee waddamada Danmark, Jarmalka  iyo Sweden.
2. Waxaa la iskuraacay in seddexda jaaliyadadood  iney si waddajir ah ugawadashaqeeyan    dhinacyada  samafalka, sida caafimaadka, waxbarashada  iyo horumarinta  AfkaMaayga.
3. In xilka Gudumoomiyenimada Midowga Jaaliyadaha  koonfur galbeed  Denmark, Sweden iyo Germany laga dhigo midwareegto ah, oo sannad walbamid kood uu xilka gudoomiyenimadda qabto, muddo sanad ah.
4. Waxaa shirka leyskuraacay  in sanadka 1aad xilka gudoomiye  nimo uu qabto  Mr. Isaaq  Madeyoo ka socda  jaaliyada Danmark.       Waxaana   kuxigeen  noqondoona  gudomiyaha  Dalladda KGS ee Sweden Mudane Abdulkadir Abukar Sheikh.Wuxuu ka bilaaban  doona  13/06/2015- 12/06/2016.
5. Kalfadhiga 2aad waxaa  leys wargelin  doonaa mudo 3bil ka hor iyo  goobgta lagu qaban  doono  iwm.
6. Shirka  waxauu sibuuxda u taageray go’aankii  Baarlamaanka Federalka Somaliya uu kudiidey Baarlamaan ku sheega Jubba, kaas  oo  markiihoreba lagu soo  dhisay si ka baxsan caddaaladda, iyo  xaqiiqda ka jirta deegaanada  koonfur galbeed ee Somaliya.
Shirka waxa uu ku  dhammaday  jawi aad u wanaangsan  iyo  Guul.  Isaaq  Madey
Gudoomiyaha  Midowga  Jaaliyadaha KGS ee Danmark, Jarmalkaiyo Sweden,

Warbahinta  kgs xafiis wareedkeda  Brønderslev, Danmark.

 

IMG_0455 IMG_1277 IMG_1281[1] IMG_1293 IMG_1312 IMG_1324 IMG_1337 IMG_1341 IMG_1349 IMG_1350 IMG_1353[1] IMG_1361 IMG_1386[1] IMG_1389 IMG_1454

Related Post

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *