War Murtiyeed – Shirkii Luqadda iyo Dhaqanka Af- Maay ee Borås – Sweden

Shirka luqadda iyo dhaqanka Af-Maayga SoomaaliyeedBorås, Sweden
Luulyo 28 –29, 2018

War-Murtiyeed

Hordhac:

Qoraalkaan wuxuu soo bandhigayaa qodobadii ka soo baxay shirkii labada maalmood ee luqadda iyo dhaqanka Soomaali-Maay ee la qabtay mudadii u dhaxaysay 28-29 Luulyo 2018, kaasoo lagu qabtay magaalada Borås ee Dalka Sweden. Qoraalkan oo aan ugu magac darnay ”war- murtiyeedka Borås” waxaa uu soo bandhigayaa taloooyinkii ka soo baxay shirka. War- murtiyeedka Borås, ujeedadiisu waxay tahay in la sameeyo gundhig iyo qaab la isku raacsan yahay ee farta Maay (Elif-Maay), hagidda faafinta iyo ilaalinta dhaqanka Maay iyo asalka luqadda.

Ujeedada Shirka:

Mudadadii 28-29 Luulyo 2018, wadashaqeyn dhexmartay Xarunta Dhismaha Nabadda iyo Dalladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Sweden, waxay wada fuliyeen shirkaan labada maalmoood socdey ee Luqada iyo dhaqanka Soomaali- Maay laguna qabtay magaalada Borås ee dalka Sweden. Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen in ka badan 150 xubnood oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada waxaa lagu soo bandhigay warbixino cilmiyaysan oo ay ka mid ahaayeen dhinaca horumarinta Elif- Maay, dood ku saabsan caqabadaha iyo talooyinka looga gudbi karo sare u qaadidda qorista Af- Maayga. Ujeedada shirka ma ahayn kaliya in la abuuro lana dardargeliyo dood cilmiyeed keliya, balse waxay kaloo ahayd in la abuuro qaab lagu taageero;

  • sare u qaadidda iyo dhowridda luqadda Af-Maayga;
  • aqoon isweydaarsi iyo faafinta hab-qoraalka Af-Maay, iyo;
  • in la abuuro gundhig ku saabsan horumarinta iyo horusocodka qaab qoraal midaysan ee fartaElif-Maay.

    Go’aannadii Ka Soo Baxay:

    Labadii maalmood ee ay socdeen doodihii iyo fikradihii ka soo qeyb galayaasha shirka waxay isku raaceen dhammaan qeybaha ay quseyso ee dadka ku hadla Af-Maayga in ay ka saaran tahay mas’uuliyadda in ay ilaaliyaan dardargeliyaanna dhaxalka dhaqanka iyo dadka ku hadla Af Maay.Ka soo qeybgalayaasha waxay xaqiijinayaan arimahaan:

  1. luqaddu in ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah jiritaanka dadka ku hadla, waxay kaloo tahay qaab ay dadku ku qeexaan dhanqankooda. Sidoo kale qoraalka afka ay ummadi ku hadasho waxa ay lagama maarmaam u tahay in laga ilaaliyo luqadda inay lunto ama baaba’do;
  2. waxaa jira dhowr far-qoraal kala duwan oo la sameeyeye shan iyo laabatankii sano ee ugu dambeeysay. Dadka waxay isticmaalayeen far-qoraallo kala duwan, taas oo loo bahanyahay in lamideeyo;
  1. in la sameeyo gudi aqoonyahanno ah si loo sameeyo talooyin ku saabsan sidii la isku waafajin lahaa farta Elif-Maayga;
  2. ururada Bulshada oo ay ku jiraan hay’adaha waxbarashada waa in ay gacan ka geystaan heer deegaan ahaan howlaha dhowridda iyo kor uqaadidda Elif-Maay;
  3. In la sameeyo guddi heer maamulgoboleed ah kaasoo noqonaya gudiga horumarinta af- Maayga. Guddigaasoo howshiisu tahay, iyadoo la kaashanayo aqoonyahannada ku nool dunida daafaheeda, in uu sii wado cilmibaarista farta iyo naxwaha af Soomaaliga Maay, iyagoo tarjumaya wixii cilmibaaris ah ee horay looga qoray Maay.
  4. aqoonyahanada in ay ururiyaan, isku-duburidaan, keydinta qoraalada Af-Maay iyo dhaqankaba;
  5. shirkadaha gaarka iyo hay’ adaha adeega bulshada in ay maalgeliyaan warbaahinta (Televisionada, Radiyaha, iyo wargeysyada) kuwaas oo aad u tababaran loona qalabeeyo dadka dhageystayaasha ee ku hadla luqadda Af-Maay.

Dhammaad

IMG_3875

IMG_3855

IMG_3848 IMG_3471IMG_3849 IMG_3850 IMG_3851

IMG_3863

Sydvastsomaliska Riksförbudet i Sverige 

Email: sydvast.somaliska@outlook.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *